Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxaya New York.

Date:

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb-gelaya fadhiga 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Marykanka, si uu uga qayb galo fadhiga 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona madashaasi kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona fadhigaasi 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddellada cimillada.”

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya madasha caalamiga ah ee loo dhanyahay ayaa kulamo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan kulankaasi 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...