Maalinta Abwaanka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu xusay.

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Wasiirka warfaafinta XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa ka qaybgalay munaasabadda maalinta Abwaanka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo uu wehliyo Waasirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiis xukuumadda federaalka soomaaliya mudane Mohamed Hayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kaqayb galay maalinta Abwaanka soomaliyeed oo loo asteeyay 19 September oo ka dhacaday xarunta akademyada cilmiga, fanka iyo sugaanta.

Wasiirka Maareeye oo khudbad madashaas ka jeediyay ayaa sheegay in abwaanka soomaliyeed uu yahay mid aan sinaba looga maarmin muhiimadda uu u leeyahay xaga wacyigalinta bulshashada waxaa uu xusay doorkii ay qaateen hormarinta bulshada.

Guddoomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo gabagabadii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in Soomaalida xasuusato Abwaannda Soomaaliyeed kaalinta ay bulshada ugu jiraan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la kobciyo fanka iyo fannaaka Soomaaliyeed si bulshada ay u hesho wacyi galin dheelli tiran, waxaa uu ammaanay kaalinta Abwaanka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...