Kuwait oo maalgalin argagaxiso u aragtay dhuxusha looga dhoofiyo Soomaaliya.

Date:

Dowladda Kuwait ayaa dalkeeda ka mamnuucday in loo iibgeeyo dhuxusha laga qaado soomaaliya, war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ganacsiga Kuwait ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba la joojiyay iibsashada dhuxusha soomaaliya.

Kuwait waxaa ay sheegtay in ay ka cabsi qabto in lacagaha laga helo dhoofinta dhuxusha lagu maalgaliyo kooxaha argagaxisada ah, horay waxaa warbixinno uga qoray heerka dhoofinta dhuxusha Qaramada Midoobe warbixinnadaas oo tilmaamayay heerka xaalufinta dhirta in ay qeyb ka tahay abaaraha ka jira soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga digtay dhoofinta dhuxusha in ay keeni karto caqabado la xiriira amiga iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed, dowladda Kuwait ayaa noqonaysa dowladdii ugu horreysay ee Khaliijka ah ee dalkeeda ka mamnuucda u dhoofinta dhuxusha soomaaliya sabab aragagaxiso darraadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...