Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magaalada Marka tagaya.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saacadaha soo socda socdaal ku tagaya magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeellada hoose.

Magaalada marka waxaa ka socda diyaar garowga soo dhaweynta Ra’isul wasaare Kheyre, wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo xildhibaanno ayaa qeyb ka ah soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha kuwaas oo isla maanta halkaas gaaray.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa socdaal dheer ku bixinaya deegaannada Koonfur-Galbeed magaalada Marka ayaa noqonaysa magaaladii seddexaad ee uu booqdo, waxaa uu hadda kasoo kicitimayaa magaalada Xudur ee gobolka Bakool isagoo horay usoo maray magaalada Baydhabo Caasimadda ku meel gaarka ah ee Koonfur-Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...