Wasiirka cadaaladda XFS oo shir guddoomiyay kulan bahda cadaaladdu maanta yeesheen.

Date:

Shir ay soo qaban-qaabisay wasaaradda cadaaladda XFS oo ay ka qayb galeen bahda cadaaladda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana shir guddoomiyay Wasiirka cadaaladda XFS abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyadoo kulankaas warbixino looga dhageystay bahda cadaaladda ee shirka ka qayb galay.

Warbixinada laga dhageystay bahda garsoorka dalka ee maanta shirka loo qabtay ayaa ku saabsanaa waxyaabihii ka qabsoomay mashaariic hormarineed oo loogu talo galay in lagu hormariyo hay’adaha garsoorka iyo qaabkii loo maareeyay sida uu sharaxayo wasiirka cadaaladda XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Sidoo kale wasiirka cadaaladda dalku waxaa uu shir guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen bahda cadaaladda dalka iyo deeq bixiyaasha caalamku kaas oo diirada lagu saaray dhaqan galinta barnaamijyada  hormarineed  sida dhismaha iyo tayeynta xabsiyada wadanka iyo hirgalinta barnaamijyo horay looga heshiisyay sida marka kale uu sharaxayo Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.

“Waxaan sidoo kale kulan la qaadanay deeqbixiyaasha caalamka waxaan ka doodnay hirgalinta barnaamijyada hormarineed sida dhismaha xabsiyada iyo tayeyntooda in la hirgaliyo barnaamijyadii horay loo wada gaaray waxaana la isku afgartay in hadda laga wada shaqeeyo dhaqangalinta barnaamijyadaas oo dhan”ayuu yiri Wasiirka cadaaladda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...