Dowladda Soomaaliya “ciddii fulisa amarrada shabaab tallaab ayaan ka qaadeynaa.

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga digtay shakhsiyaadka fuliya amarrada ay bixiyaan malleeshiyada Al shabaab, kadib markii malleeshiyaadkaasi ay shaaciyeen odayaal dhaqameedyo aan kuwa saxda ah aheyn oo ay sameeyeen.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ayaa cambaareeyay, falalka bahdilka iyo xadgudubka ah oo ay argagaxisadu ku hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka fog fog iyo goobaha fara ku tiriska ah oo ay dalka kaga sugan yihiin.

Dowladda Federaalka waxaa ay sheegtay in si xooggan loo wiiqay awoodda kooxda Al shabaab, isla markaana bilihii lasoo dhaafay horjoogayaal u adkeysan waayay iska caabinta xoogga dalka isisoo dhiibeen, halka kuwa kalana ay ciidamada amnigu soo qabteen.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid walba oo xiriir wada shaqeyn ah la yeelata haraadiga kooxda Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...