R/Wasaare Kheyre oo Xudur kula kulmay Madaxda Degmooyinka Bakool & Odayaasha Dhaqanka

Date:

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa magaaladaas waxaa uu kullan kula qaatay Dhamaan Masuuliyiinta degmooyinka Gobolka Bakool iyo Odayaasha Dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay Gudoomiyaaha Degmooyinka sida wanaagsan oo ay kaga qaybteen dagaalka Maleeshiyaadka Al Shabaab.

Dhanka kale, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Hey’adaha dhanka gargaarka inay tagaan magaalooyinka kala duwan ee Gobolka Bakool halkaas oo meelaha qaar ka jiraan xaaladu Bani’aadanimo aad u daran.

Dadka shacabka ee Gobolka Bakool ayuu uga mahadceliyay sida geesinimada leh oo ay ula dagaalameen islamarkaana isaga xoreeyeen maleeshiyaadka Al Shabaab waxaana uu sheegay R/Wasaaraha in degmada Xudur uusan u tagin in maamulka iyo Shacabkaas uu wax u sheego balse in wax laga faa’iideysto ay tahay iga.

R/Wasaaraha Xukuumadda ayaa inta uu halkaas joogo waxaa uu booqan doonaa xeryaha ciidanka qalabka sidda ee kuyaala halkaasi iyo meelo kale oo muhiim ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Howlaha Guud oo sheegay in Muqdisho laga hirgelin doono waddooyin tayo leh iyo biya mareenno waara

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Dr. Cilmi...

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay dhiggiisa dalka Sweden

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...