Soomaaliya iyo Masar oo heshiis iskaashi kala saxiixday.

Date:

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa heshiis iskaashi ee dhinaca maalgashiga ah ku kala saxiixday magaalada Qaahira, kadib markii lasoo gabagabeeyay shir weynihii labaad ee guddiyada ganacsatada labada dal uga socday magaalada Qaahira.

Heshiiska istiraajiyadda iskaashiga labada Dal waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Eng Cabdullaahi Cali Xasan, dhinaca Masar waxaa u saxiixday Wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga Saxar Nasar, munaasabaddaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka ganacsiga Masar.

Soomaaliya iyo Masar oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo ayaa horay u kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo dhinacyo kala duwan ah, dowladda Masar ayaa kaalmo dhinaca amniga ah Soomaaliya ka taageerta si meesha looga saaro kooxda arxan darrda ku sifowday ee Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...