Ra’iisul Wasaare Khayre oo heshiisiiyay Bulshooyinka ku dhaqan Huurshe iyo Xeraale

Date:

Bulshooyinka kasoo kala jeeda degaannada Xeraale iyo Huurshe oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud ayaa heshiis nabadeed ku kala saxiixday Xalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Gar wadeen ka ahaa heshiiska ayaa u mahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay in lagu guuleysto dhammeynta colaadda uu Dhiigga badani ku daatay.

Wuxuna sidoo kale bogaadiyay xubnihii kaalinta weyn ku lahaa hirgelinta saxiixa heshiiska bogga iyo nolosha cusub abuuraya, isagoo Bulshooyinka Huurshe iyo Xeraale kula dardaarmay in ay ilaaliyaan oo aan dib loogu laaban colaaddii, lagana barto casharro.

Heshiiska dhex maray Bulshooyinka Xeraale iyo Huurshe ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu Taariikhda Dalka baal Dahab ah ka galayo, wuxuuna Shacabka Galmudug iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay uga daydaan geesinnimada lagu dhammeynayo colaadaha, degaan kasta oo ay xasaradi ka jirtona lasoo Af-jaro, nabaddana la qaato si horumar loo gaaro.

Odayaasha Labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyey dedaalladiisii hagar la’aaneed oo ugu dambeyn sababay in reer Xeraale iyo Huurshe ay wada saxiixaan heshiiska nabadeed oo bilaaw u ah nolol iyo iftiin cusub oo ay ku naaloodaan Dad walaalo ah oo ku kala irdhoobay colaadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay qaadanayso doorka uga aaddan hir-gelinta qodobbada heshiinska nabadeed ee wadajirka ay Qalinka ugu duugeen reer Huurshe iyo reer Xeraale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...