Ra’iisul Wasaare Khayre oo heshiisiiyay Bulshooyinka ku dhaqan Huurshe iyo Xeraale

Date:

Bulshooyinka kasoo kala jeeda degaannada Xeraale iyo Huurshe oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud ayaa heshiis nabadeed ku kala saxiixday Xalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Gar wadeen ka ahaa heshiiska ayaa u mahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay in lagu guuleysto dhammeynta colaadda uu Dhiigga badani ku daatay.

Wuxuna sidoo kale bogaadiyay xubnihii kaalinta weyn ku lahaa hirgelinta saxiixa heshiiska bogga iyo nolosha cusub abuuraya, isagoo Bulshooyinka Huurshe iyo Xeraale kula dardaarmay in ay ilaaliyaan oo aan dib loogu laaban colaaddii, lagana barto casharro.

Heshiiska dhex maray Bulshooyinka Xeraale iyo Huurshe ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu Taariikhda Dalka baal Dahab ah ka galayo, wuxuuna Shacabka Galmudug iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay uga daydaan geesinnimada lagu dhammeynayo colaadaha, degaan kasta oo ay xasaradi ka jirtona lasoo Af-jaro, nabaddana la qaato si horumar loo gaaro.

Odayaasha Labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyey dedaalladiisii hagar la’aaneed oo ugu dambeyn sababay in reer Xeraale iyo Huurshe ay wada saxiixaan heshiiska nabadeed oo bilaaw u ah nolol iyo iftiin cusub oo ay ku naaloodaan Dad walaalo ah oo ku kala irdhoobay colaadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay qaadanayso doorka uga aaddan hir-gelinta qodobbada heshiinska nabadeed ee wadajirka ay Qalinka ugu duugeen reer Huurshe iyo reer Xeraale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhalinyarada XFS oo iska diiwaan geliyay degmada Shangaani

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Cali...

Shirweynaha Xaquuqul Insaanka oo galay maalinta labaad

Shirweynaha Xaquuqul Insaanka oo galay maalinta labaad, iyadoo maanta...

Muqdisho oo maanta ay ka billaabaneyso diiwaangalinta codbixiyeyaasha golaha deegaanka

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani...

Xukuumadda oo war-murtiyeed kasoo saartay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Khaatumo

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu...