Ergada Cadaado Ee Shirka Dib- U heshiisiinta Galmudug oo Goor dhaw Gaaray Dhuusamareeb

Date:

Muqdisho (SNTV) Dh/mareeb-(SONNA)– Ergada degmada Cadaado uga qaybgalaysa shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug ee dhawaan furmi doona ayaa gaaray xarunta dowlad goboleedka G/Mudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigaan oo ka kooban hoggaamiyayaasha bulshada iyo odayaal dhaqameed,waxaa halkaaasi si diirran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Shirka dib-uheshiisiinta, Waxgarad, Eegadii Horay Dhusamareeb u gaartay iyo bulshada Caasimada Galmudug ee Dhusamareb qaybaheeda kala duwan.

Ilo wareedyo ayaa tibaaxaya in Xubnaha ergada Cadaado ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareb la dajiyay halkii loogu talagalay waxayna ka mahadceliyeen sida diirran ee loo soo dhaweeyay iyo sida ay ugu soo diyaargaroobeen ka qaybgalka shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug..

Magaalada Dhusamareeb ayaa waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambaysay ee furitaanka shirka dib- u heshiisiinta  waxaana haatan ku sugan dhammaan Ergooyinka.ka qaybgalaya shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka...