Ergada Cadaado Ee Shirka Dib- U heshiisiinta Galmudug oo Goor dhaw Gaaray Dhuusamareeb

Date:

Muqdisho (SNTV) Dh/mareeb-(SONNA)– Ergada degmada Cadaado uga qaybgalaysa shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug ee dhawaan furmi doona ayaa gaaray xarunta dowlad goboleedka G/Mudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigaan oo ka kooban hoggaamiyayaasha bulshada iyo odayaal dhaqameed,waxaa halkaaasi si diirran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Shirka dib-uheshiisiinta, Waxgarad, Eegadii Horay Dhusamareeb u gaartay iyo bulshada Caasimada Galmudug ee Dhusamareb qaybaheeda kala duwan.

Ilo wareedyo ayaa tibaaxaya in Xubnaha ergada Cadaado ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareb la dajiyay halkii loogu talagalay waxayna ka mahadceliyeen sida diirran ee loo soo dhaweeyay iyo sida ay ugu soo diyaargaroobeen ka qaybgalka shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug..

Magaalada Dhusamareeb ayaa waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambaysay ee furitaanka shirka dib- u heshiisiinta  waxaana haatan ku sugan dhammaan Ergooyinka.ka qaybgalaya shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...