Hirshabeelle oo bilowday dhismaha Dowladaha Hoose

Date:

Dowlad goboleedka Hirshabeele oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kana duulaysa ahmiyadda ay leedahay hoos u daa dejinta dhismaha iyo maamulka bulshad ayaa bilowday dadaal ku aadan sidii loo soo dhisi lahaa golayaasha deegaanka,iyadoo ay haatan ka bilaabatay gobolka Shabeelada Dhexe.

Degmada warshiikh ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa nasiib u yeelatay in lagu qabto doorashadii ugu horeysay ee isbedel loogu sameynayo maamulka degmadaasi,si ay bulshadu u noqoto mid ay taladeeda go’aamiso,iyadoo Munaasabad ay Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Degmada Warsheekh ay ku Dooranayeen Maamulka Degmada Guddoomiyaha iyo ku Xigeenadiisa ay ka dhacday halkaasi.

Waxaa ka soo Qeyb galay Wasiiro oo uu ka Mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hir Shabeele,Maxamed Cali Caadle,Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Xuseen(Caliguudlaawe) Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya iyo tan dowlad doboleedka Hirshabeele iyo marti sharaf kale .

Tartanka Doorashada Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ayaa Waxaa ku Tartamay labo Musharax oo kala ahaa Axmed Xuseen Axmed shiidka oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Warsheekh iyo Xasan Maxamed Axmed,waxaana looga guuleystay Axmed Shiidka 17 cod,waxuuna guddoomiyihii hore Axmed Shiidka uu helay afar cod sidaasi ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub Degmada Warsheekh loogu Doortay guddoomiyaha degmada Warsheekh Xasan Maxamed Axmed.

Guddoomiyahii Hore ee Degmada Warsheehk Axmed Xusen Axmed shiidka ayaa aqbalay Natiijada tartanka doorashada,isagoo u hambalyeyey guddoomiyaha cusub ee xilkaasi loo doortay.

Agaasimaha Waaxda Dowladda Hoose Yaxye Cumar Xirsi, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hir shabeele Maxamed Cali Caadle ayaa ku ammaanay guddiga doorashada iyo bulshada deegaanka sida ay iskula jaanqaadeen,iyagoo bogaadiyay doorashadasi.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabeele Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa kula dardaarmay gudoomiyaha cusub in uu dardar galiyo horumarka degmada warsheekh.

“Guddoonkii hore ee talada hayaya la shaqeeya ragan cusub,si maslaxada deegaanka kujirto,mas’uuliyad ayaa idin saaran,waxaad kamid tihiin Golihii deegaanka,waxaad kamid tihiin dadkii deegaanka marka waxaa la idinka rabaa in aad la shaqeysaan maamulka cusub”. Ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Wasaaradad Arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii hoos loogu daa dejin lahaa dhismayaasha golayaasha deegaanak ee gobolada dalka,taasi oo sahlaysa in mustaqbalka la helo hanaan fudud oo dadku ay kaga qeybgali karaan doorashooyinka guud ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...