Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo maanta xilka la wareegay

Date:

Kulan  uu xilka kula wareegayay Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka kala socatay qaar ka mid ah Wasaaraddaha XFS  Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo madax tirsan wasaaradda beeraha ee Dawladda Soomaaliya.

Agaasimahii hore wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Pro: Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa tilmaamay inuu la shaqeyn doono Agaasimaha Cusub ee wasaaradda ,waxaana uu alle uga baryay inuu u fududeeyo Xilka culus ee loo dhiibay.

W”aan soo dhawweynayaa in aan xilka ku wareejiyo walaalkeey aniga waxaan wasaarada ka shaqo bilaabay 82-dii welina waxaan diyaar u ahay in aan la sii shaqeeyo” ayuu yiri Pro: Maxamuud Maxamed Maxamuud

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Pro: Nuur Yuusuf Nuur ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono Horumarinta Arrimaha Beeraha.

“Waxaan rabaa in ka codsado agaasimaheenii hore koleey Mas’uuliyada waad igu wareejisay ee maadaama aadan waayo aragnimadaada igu wareeji karin Cilmigaaga ha igala dheeraan”Ayuu yiri Pro: Nuur Yuusuf Nuur

Xildhibaan Sakariye xaaji Cabdi oo ah Gudoomiyaha Guddiga Beeraha ee golaha shacabka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta wasaaradda in laga faa’iideysto khibradda uu leeyahay Agaasimaha xilka wareejiyay, dardaaranna u jeediyey maamulka cusub.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka  Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid ayaa ugu hambalyeey Agaasimaha Guud Cusub ee Wasaaraddaasi xilka loo magcaabay waxaana uu urajeyay inuu kasoo bixi doono Howsha Culus ee loo dhiibay, sidoo kalena waxaa uu uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneed ee uu soo qabtay Agaasimahii Hore ee Wasaaraddaasi.

“Agaasimihii hore sida uu hada xilka u wareejiyay ayaa calaamad u ah qibradiisa waana ka sii faa’iideysan doonaa waayo aragnimadiisa, agaasimaha cusub waxa aan u rajeynayaa in uu ka soo dhalaali doono shaqadiisa” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa sara u qaadista wax soo saarka Beeraha dalka ,si looga kaaftoomo cunooyinka Dalka dibaddiisa ka yimaada,oo aan mararka qaar gaarsiisneyn heerkii loogu talagalay, dhinaca tayada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...