Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka oo Bariire kula kulmay saraakiisha hoggaaminaysay qabsashada deegaankaas

Date:

Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa kormeer dhiiragalin ah ku tagay fariisimaha ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin degaanka Barriire ee gobolka Shabellada Hoose oo dhawaan dhawaan laga saaray7 argagixisada ALshababa,islamarkaana khasaare xooggan loogu geystay.

Wuxuu warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada ku sugan furumaha dagaalka ee Bariire,kuwaasi oo taliyaha uga xog waramay guulihii ugu dambeyeey ee laga gaaray dagaalka maleeshiyaadka Alshababa,isagoo uxsay in weli ay ku raad joogaan dhameystirka haraadiga argagixisada Alshabaab.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyaha ciidanka xoogga Dalka ayaa ciidmada ku amaanay howgalda ey dalka ugu xoreynayaan Al-shabab oo mudooyinkii ugu dambeeyay laxoojiyay,waxaana uu Taliyuhu darajada gaashanle u xiray Cabdi Aadan oo ah taliyaha ururka 143 aad ee Xoogga Dalka oo si hagar la’an ah uga soo baxay wajibadka kasaran difaaca shacabka.

Degmaad Awdheegle iyo deegaanka Bariire oo ah dhamaan goobo straajiiyiad ah ayaa dhawana laga faramaroojiyay gacanka cadowga,waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay jab xooggan oo isugu jira khasaare naf iyo burbur wixii ay haysteen.

Mudooyinki ugu dambeeyay ayaa ciidamda xoogga dalka guulo waaweyn waxay kasoo hooyeen dib u xoreynta deegaano badan oo laga saaray gacanta cadowga Umada Soomaaliyeed ee Al-lshabab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...