Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay ergey ka socda Midowga Afrika

Date:

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere, ayaa maanta qaabilay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Abdoulaye Diop, oo ah ergey ka socda Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Danjire Abdoulaye Diop, oo yimid Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd isagoo sida farriin uu guddoonsiinayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Gegidda caalamiga ee diyaaradaha ee Aadan Cabdulle .

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee habmaamuuska Qaranka, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo saraakiil AMISOM ka tirsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...