Ciidanka xoogga dalka oo 20-ka tirsan argagixisada ku dilay duleedka Bariire.

Date:

Ciidanka Xoogga dalka ayaa in ka badan 20-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ku dilay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha markii maleeshiyada ay isku dayeen iney weeraraan saldhig Ciidanku ku leeyihiin deegaankaasi.

Taliyaha Ciidamada Lugta Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab markii ay isku dayeen xalay iney weerar ku soo qaadaan saldhig ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire,halkaasina looga dilay 20-ka tirsan maleeshiyadooda halka tiro intaasi ka badana looga dhaawacay.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ka feejignaayeen dhagarta cadowga ummadda Soomaaliya,islamarkaana weerarkaasi ay ku halaagsameen,ciidanka qalabka sidana ay guulo ka gaareen.

Ciidamada Qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday gobolka Shabeellaha hoose howlgallo lagu baacsanayo argagaxisada, iyadoo maleeshiyada Al-shabaab ay soo wajahday cabsi xooggan oo uga imaaneysa Ciidamada geesiyaasha Qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...