Ciidanka Amniga oo Suuqa Bakaaraha ku toogtay 4 Dhagar qabe oo ka tirsanaa Argagixisada

Date:

Ciidanka Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay khaarajiyaan dhagar qabayaal ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ka dib markii ay  isku dayeen in ay dilaan Agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo salaadda Khudbada Jimcaha maanta ku tukanaayey masjid ku yaalla agagaarka Suuqa-Bakaaraha.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in dhagar qabayaashaasi ay toogteen ciidanka boliiska ay mid kamid ah aheyd haweeney oo hub ku waday Bac,isla markaana u qeybisay si kooxdaasi ay ugu dagaalamaan hubkaasi.

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil oo lala beegsan rabay Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo lagu magacaabo Abdi Gare,ka dib  israsaaseynta kooban, waxaana ciidamadu ay toogteen dhagar-qabayaashaasi oo ahaa 3 dhallinyaro iyo haweeneey”ayay tiri Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka Dhanka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa tagay goobta lagu toogtay dhagar qabayaashaasi,isagoo bogaadiyay ciidamadii howlgalkaasi fuliyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....