Ciidanka Amniga oo Suuqa Bakaaraha ku toogtay 4 Dhagar qabe oo ka tirsanaa Argagixisada

Date:

Ciidanka Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay khaarajiyaan dhagar qabayaal ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ka dib markii ay  isku dayeen in ay dilaan Agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo salaadda Khudbada Jimcaha maanta ku tukanaayey masjid ku yaalla agagaarka Suuqa-Bakaaraha.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in dhagar qabayaashaasi ay toogteen ciidanka boliiska ay mid kamid ah aheyd haweeney oo hub ku waday Bac,isla markaana u qeybisay si kooxdaasi ay ugu dagaalamaan hubkaasi.

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil oo lala beegsan rabay Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo lagu magacaabo Abdi Gare,ka dib  israsaaseynta kooban, waxaana ciidamadu ay toogteen dhagar-qabayaashaasi oo ahaa 3 dhallinyaro iyo haweeneey”ayay tiri Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka Dhanka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa tagay goobta lagu toogtay dhagar qabayaashaasi,isagoo bogaadiyay ciidamadii howlgalkaasi fuliyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...