Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad lagu laayay Shabeellaha Hoose

Date:

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay duqaymo iyo weeraro toos ah oo ka dhacay gobalkaas lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Saraakiil la hadlay Warbaahinta Qaranka oo ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in duqayntaan ay ahyd mid bartilmaameed ah, oo lagu beegsaday Horjoogayaal ka tirsan Argagixisada sidoo kalana lagu laayay maleeshiyaad badan.

Saraakiisha ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobalka.

Howlgalkaan ayaa daba socda howlgal dhowaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay kula wareegeen degmada Owdheegle iyo deegaano kale oo istaraatiiji ah oo Al-Shabaab dhibaatooyin badan ay ugu gaysan jireen shacab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...