Kumaandooska Soomaaliya ee Awdheegle ku sugan oo khasaare xoogan gaarsiyay maleeshiyaadka Al-shabaab

Date:

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa jab iyo khasaare xoogan gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsann koxda Shabaab,kadib markii ay isku dayeen in ay weerar ku soo qaadaan degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa SONNA u xaqiijiyay in ay ka dileen koxda Shabaab ilaa 4 qof halka 5 kalena laga dhaawacay,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalku ay ka qabsadeen maleeshiyaadka Shabaab degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi ka socda baaritaano amaanka lagu sugayo.

Sidoo kale waxaa ay ciidamadu qabsadeen deegaano kale oo ay dadku ku dhibaatayn jireen koxda Alshabaab,gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ka socda howlgaladii ugu ballaarnaa oo lagu burburinayo argagixisada Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...