Taliyaha AFRICOM oo Muqdisho soo booqday

Date:

Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa booqasho ku yimid Muqdisho, lugtiisii ugu horreysay ee uu Afrika ku yimaado tan iyo markii uu xilka la wareegay 26-kii bishii hore ee July.

General Stephen Townsend ayaa la kulmay ra’iisulwasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidammada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in  taliyuhu u kuur galayay xaaladda Soomaaliya ee dhinaca amniga iyo howl gallada socda, iyadoo la sii xoojinayo  howlaha taliska AFRICOM ee dhanka ammaanka ah ee gobolka.

General Townsend, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal,isagoo intaa ku daray in ay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbda caalamka iska kaashanayaan sidii  cadaadis loo saari lahaa loona cirib tiri lahaa kooxaha xagjirka ah, cadaadiskaas oo uu sheegay in uu fursad siinayo horumar laga gaaro dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...