R/Wasaare Kheyre Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Dardar-gelinta Qorsha Deyn Cafinta Dalka.

Date:

Muqdisho (SNTV) R/Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirkii todobaadlaha ahaa oo looga hadlo dar-dargelinta qorshaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Shirkan oo ka dhacay xafiiska wasaaradda maaliyadda oo ay ka qayb galeen Wasiiru-dowladaha wasaaradda maaliyada, Agaasimaha Guud, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji iyo Agaasimayaasha waaxyaha ay Wasaaradda maaliyadda ka kooban tahay.

R/Wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn dhageystay xog ku wajahan heerarka kala duwan ee la soo maray, meesha hadda uu marayo qorsha cafinta deymaha.

Intii uu socday waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay guulaha la gaaray, sida ugu habboon ee dowladda federaalku uga soo bixi karto shuruudaha ku xiran wareega 4-aad ee qorshaha deynta Cafinta (SPM4) iyo heshiiyada ay wada gaareen dowladda iyo hey’adaha lacagta adduunka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah deynta cafinta ee la doonayo in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo.

R/Wasaaraha ayaa faray wasaaradda maaliyadda, hey’adaha ku lug leh qorshaha deyn cafinta iyo guddigii loo xil saaray dhammeynta qorshaha dalka ee deyn cafinta in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan buuxinta shuruudaha, si loogu guuleysto himilooyinka la higsanayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shurudihihii ku xirnaa SMP1, SM2 iyo SMP3, waxaana dhammaan hey’adaha maaliyadda dunida iyo wadamada deymaha ku leh Soomaaliya ay ammaaneen sida dowladda ay uga go’antahay ka mira dhalinta qorshaha deyn cafinta dalka oo soo gaaray heer aad u wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhoweeyey Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowlad goboleedyada Woqooyi Bari oo cambaareeyey iskudayga dalka lagu kala goynayo

Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa qaraar ka...

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...