R/wasaare Khayre Oo Dardaaran Iyo Dhiirigelin Ugu Tegay Ciidan Loo Diyaariyay Howl-galka Argagaxisada.

Date:

Muqdisho (SNTV) R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho ku tagay xerada Gen. Goordan, halkaasi oo uu uga qeyb galay af-meerka munaasabadda xeritaanka tababar ciidamo loogu talo galay la dagaalanka argagaxisada.

R/Wasaare Kheyre ayaa ujeediyay ciidamada tababarka loo soo xeray khudbad qiimo badan oo isagu jirtay dar-daaran, dhiirigelin iyo bogaadin kuwajahan horumarinta amniga iyo sida ay uga qayb qaataan xasiloonida iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballanqaaday in xaquuqda ay ciidanku leeyihiin loo dhammeystirayo, isagoo uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uusheegay in ay si joogta ah u wadaan howlgal lagula dagaalamayo cadowga argagaxisada si loo xoreeyo deegaanno badan

Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horey u helay tababaro kana qeyb qaatay dib u xoreeynta deegaanno badan halkaasi oo noloshu dib loogu soo celiyay kadib markii laga xoreeyay maleeshiyada arxanka daran ee argagaxisada Al-Shabaab kuwaasi oo inta badan tacadiyo insaani ah u geysta shacabkeena Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa waxa loo diyaariyay howl- gal ka dhan ah argagaxisada kaasi oo looga saarayo deegaannada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan ayaa waxaa horey uga qalin jebiyay dufcado badan oo maanta ka tirsan ciidanka xoogga dalka kuwaasi oo ka qayb qaatay howlgallo horey looga xoreeyay magaallooyin badan oo ay horey u joogi jirtay argagaxisada, balse kadib markii laga saaray argagaxisada ay deegaanadu maanta ku naaloonayaan is-dhexgal bulsho iyo dhaqan wanaagsan oo yimid kadib howlgalka ciidamada qaranka Soomaaliya oo kaashanaya wadashaqeeynta suuban ee bulshada si loo horumariyo xasiloonida iyo amniga guud ee deegaannadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...