Ciidanka Xoogga Dalka oo Maleeshiyada Alshabaab kala wareegay deegaanno ay kaga sugnaayeen gobolka Baay

Date:

Howlgalkaan oo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG koonfur galbeed ayaa lagu dilay Horjoogeyaal ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay la wareegeen tuulooyin ay ka mid tahay Buulo Jebi oo maleeshiyada Alshabaab ay dadka Shacabka ay lacago iyo xoolo baad ah uga qaadan jireen.

Howlgalka ayaa lagu dilay Horjoogayaal ay ka mid yihiin Madaxii amniyaadka iyo Madaxii Sakawaadka oo ahaa kuwa Shacabka dhibaato ku hayay oo ka qaadi jiray baad iskugu jirto Lacago iyo Xoolo

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ee ku nool deegaanadii argagaxisada laga saaray inay Ciidamada la shaqeeyaan, si looga hortago dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...