Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Eng Yariisoow iyo Calanka oo hoos loo dhigay

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho. Marxuumku waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyo kala duwan.”

“Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda.“

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha oo soconaysa muddo 3 cisho ah

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannada Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dooxa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...