Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday Sedax Maalin Oo Barood Diiqa Ah, Guddina u Saartay Aaska Guddoomiye Yariisow

Date:

Khamiis, Agoosto 01, 2019— Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudan Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ku hadlaya magaca Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelka uu ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

Warbaahinta qarankana ayaa iyana laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa lagaba billaabay in Qur’aan laga baahinayo arrintaas oo baroor diiqda qayb ka ah.

Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ayaa ka shaqeynaya aaska qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Isbitaal ku yaala Dooxa ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...