Wasiirka Warfaafinta XFS oo Faah-faahin ka bixiyey Qaraxii ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Waxaa hadda Saxaafadda kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Banaadir.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii argigixisada galabta ay ku dhinteen lix ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in  ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaalayaan.

Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahinta dib kasoo sheegi doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...