Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Casho Sharaf sagootin ah loogu sameeyay Baydhabo”Sawirro”

Date:

NSTV:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo xalay ka qayb galay munaasabad sagootin ah oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa jeediyay khudbad dheer oo dhinacya badan taabaneysa.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo madaxweynaha Koonfur Galbeed , guud ahaan maamulka dowlad gobaleedka iyo shacabka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran, ayaa ka hadlay qiimaha federaalku uu bulshada u leeyahay, midnimada, wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada iyo doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ee shalay ka qayb galay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo ay soo agaasintay waraaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka  xukuumadda federaalka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...