Ciidanka XD oo qabtay Maleeshiyaad Al-Shabaab ah iyo Walxaha Qarxa “Dhageyso”

Date:

Muqdisho (SNTV) Howlgallo ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxey gacanta ku soo dhigeen 3 qof oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Alshabaab.

Taliyaha Guutada 11-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Xasan Badal oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Saddexdaan qof ay saarnaayeen gaari BL ah oo ku wajahnaay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Taliyaha ayaa tilmaamay in Saddexdaan qof ee lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin argagixisada Alshabaab ay heleen xog ah in ay ka mid ahaayeen Alshabaab  ka dibna ay gaariga kala degeen, isagoo sheegay in ay ku soo qabteen qalab ay wateen ayna ku wareejiyeen lamaaha amniga si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...