Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo maanta Kormeer howleed ku tagay Tiyaatarka Qaranka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta kormeer Shaqo ku tagay Golaha murtida iyo Wacyigelinta Qaranka oo ay ka socdaan howllo dayactir iyo dib u dhis ah.

Mudane; Maareeye, oo ay booqashadiisa ku wehlinayeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Maareeyaha Tiyaatarka Maxamed Abuukar Ma’da ayaa waxay la kulmeen Injineerrada dhisaya Tiyaatarka iyo Kooxda Is- xilqaan ee howlaha mutadawacnimada halkaasi ka wadday.

Labada Wasiir waxay aad u amaaneen howsha gebagebada maraysa ee Tiyaatarka ka socota, waxeyna ballan qaadeen in ay diyaariyaan wixii dhinaca Dowladda ku dhiman.

“Waxaan la kulannay Kooxda is-xil qaan iyo Injineerrada mas’uulka ka ah dhismaha Tiyaatarka, waxannu aniga iyo Wasiirku kala hadalnay heerka uu marayo dhismaha Tiyaartarka iyo waxyaabaha ka dhiman shaqada halkan ka socota, war bixin fiican bay na siiyeen,kormeer baan ku sameynay qaabka uu dhismuhu u socdo, oo runtii raja badan na gelisay, ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in 80% ay dhamaatay shaqadii halkaasi ka socotay, sharafna ay u tahay Dadka Soomaaliyeed in ay is-xilqaan wax ku qabsan karaan.

Wuxuuna taabba gelinta howshan ku ammaanay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo hormuud ka ahaa Barnaamijka Is-xilqaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...