Muqdisho (SNTV) Raโiisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada heyโadaha caalamiga oo maanta magaaladaย gaaray.
Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Raโiisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka Ummadda Soomaaliyeed.
Masโuuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Raโiisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha heyโadaha Galmudug, qarameynta Ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugan tahay Galmudug.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug.
Raโiisul Wasaaraha oo masโuuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya siย guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha heyโadaha dowladeed ee Galmudug.
Masโuuliyiinta beesha caalamaka eeย Raโiisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.
Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhan yahay oo xiriir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.


