Duqa Muqdisho oo bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan

Date:

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo guddoomiyey shirka Amniga Caasimadda ayaa bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya amniga Caasimadda.

Taliyeyaasha Amniga Gobolka ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah burcadda hubaysan oo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Deynile.

Taliska ayaa sheegay in Isbitaalka Madiina uu ku dhintay mid ka mid ah  raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis kaas oo waaran Maxkamadeed horey loogu soo jaray, kadib dhaawaca ka soo gaaray  hawlgal ay ka sameyeen ciidamadda  Amniga ee dagmooyinka gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidanka in ay si adag uga hortagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya amniga Caasimadda.

“Waan wadeynaa ololahan, waxaanna si adag uga digeynaa kuwa caadeystay in ay iska indho tiraan nidaamka iyo awaamiirta lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna ula wadaagayaan Laamaha Amaaka xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baadda shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...