Diyaargaroowga Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Ka socda Degmada Ceel-barde “Sawirro”

Date:

Ceel-berde (SNTV)-Qaban-qabada diyaargaroowga imaatinka Wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha Maamul Goballeedka Koonfur Galbeed ayaa si habsami leh uga socota magaalada Ceel-berde ee Gobalka Bakool xilli halkan lagu wado in ay ka dhacdo doorashada Golaha Deegaanka ee maamul daadejinta awoodaha dowladaha Hoose ee Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulankani oo ay ka qeyb galeen  Maamulka Dhallinyarada Degmada Ceel-berde ee gobalka Bakool islamarkaana ay ka qayb galeen afhayeenka Ururka Dhallinyarada Ceel-barde Siiye Mahdi Salaad, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Mustaf Sh. Cabdullaahi ‘Adaf’ iyo Ururka Haweenka Degmada Ceel-berde.

Afhayeenka Ururka Dhallinyarada Ceel-barde Siiye Mahdi Salaad oo ka hadlay howsha diyaargaroowga imaatinka wafdiga Madaxweynaha Maamul goballeedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed uu soo booqdo degmada Ceel-berde waxaana uu sheegay in tahay fursad weyn ee muujinaysa sida ay uga go’antahay maamulka inuu waxqabad muuqda iyo horumar gaarsiinayo deegaannada degmooyinka gobolka Bakool.

Afhayeenka oo ka hadlayay kulanka ayaa rajo iyo mustaqbal wanaagsan ka muuqatay Imaatinka wafdiga Madaxweynaha oo lagu wado in berito isniinta uu soo gaaro Ceel-berde.

Side Mahdi ayaa yiri “Dadka Ceel-berde waxay u tahay sanadguurro waa xilligii u nasoo boqday madaxweyne Maxamed Siyaad Barre isaga kadibna maanan arag madaxweyne Ceel-Barde Yimaada, sanadguur ayay noo tahay imaatinkiisa” Sidoo kale, waxaa gebogebo maraya howlaha dhismaha hoolka shirarka lagu wado in lagu qabto maalmaha nasoo aadan halkaasi oo ay dadka deegaanka kaga qayb gali doonaan doorashada gole maamul degmo o markii ugu horreeysay ka dhacdo Ceel-berde ayaa ah degmadii labaad ee Gobalka Bakool oo loo diyaariyo doorasho gole deegaan iyadoo horey looga sameeyay degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool iyadoo ay degmada Berdaale oo ka tirsan Gobalka Bay ay ka dhigeyso degmadi saddexaad ee uu haatan ka taliyo maamul u dadku soo doortay.

Sidoo kale degmada waxaa gelinkii dambe ee maanta soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Bokool Maxamed Cabdi Tool kuwaasi oo qeyb ka ah wafdiga soo dhaweynayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaa shanaysa maamul goballeedka iyo beesha caalamka ayaa ku howlan wejiga koowaad ee sameynta 26-degmo oo ay ka dhacdo doorasho ay dadku deegaanka ku lug leeyihiin ee dhismaha maamul u sameeynta Maamul gobolleedyada Waxaana horey loogu guulleystay dhismaha gole deegaan iyo maamulada degmooyinka qaar oo ku yimid doorashada dadweynaha kuwaasi oo ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka maamul Goballeedyadagaar ahaan degmooyinka Koonfurta Soomaaliya si loo dhammeystiro Hanaanka Qaran ee Wadajir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...