Ra’iisul Wasaaraha XFS oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Galmudug (SNTV)–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo dhawaanahaan uu ku sugnaa ayaa galabta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay safarkiisa ku wehliyaan wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin kale iyo howl-wadeenno badan ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada.

Dadwayne si aad ugu diyaar garoobay soo dhaweynta wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo, xildhibaanno, wasiirro, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa isugu yimid garoonka garoonka kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise halkaas oo Ra’iisul Wasaaruhu uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlay socdaakiisa Galmudug ee loogu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, nabad ah, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka mahad celiyay soo dhawaynta ballaaran ayaa ammaan u jeediyay dhammaan mas’uuliyiintii waqtiga badan geliyay jiritaanka Galmudug, waxa uuna ka dalbaday bulshada Gaalkacyo in si wadajir ah ay dowrkooda uga qaataan adkeynta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay in socdaalkiisa Gaalkacyo ay qayb ka tahay horumarinta iyo u dhammaystiro agabka ka dhiman ciidanka ku sugan magaalada ee ka shaqeeya nabadeynta iyo amniga.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Galmudug ku sugnaa 15 maalin oo xariir ah ayaa intii uu ku jiray socdaalka lagu baadi goobayo dhismaha Galmudug dhinac kasta ka dhamaystiran, waxa uu kulamo wadatashi ah la yeeshay dhammaan qaybaha bulshada ku sugan deegaannadii uu soo maray, waxaana la gaaray guulo waawayn oo qayb ka qaadayana xaqiijinta himilooyinka reer Galmudug.

adkeynta taariikhda dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu mahad celiyay mas’uuliyiintii Galmusug oo uu sheegay in wax badan ay qabteen hase yeeshee wali loo baahanyahay in la dhammaystiro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...