Guddigii xaqiiqa raadinta dadkii lagu dilay Gaalkacyo&Dhuusamareeb ooo Boosaaso gaaray

Date:

Muqdisho (SNTV) Xubnaha Guddiga xaqiiqa raadinta ahaa ee ka kala socday Xildhibaanada golaha shacabka iyo maamulka Koonfur galbeed oo gaaray magaala xeebeedka boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.

Guddiga ayaa magaaladda boosaaso kulan kula qaatay bulshada kasoo jeeda deegaanadda koonfur Galbeed ee ku nool magaaladaasi iyagoo ka xog wareystay xaalka deegaanadda ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta iyagoo intaaasi ka dib kormeeray xabsiyada magaaladaasi oo ay dad eedeymo kala duwan loo heysto ay ku xiranyihiin,waxaana ka hadlay qaar ka mid bulshadii iyo waxgaradkii Kulanka ka qeybgay iyo sidoo kale xildhibaano.

Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa kulan la qaatay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana ma mid ah wasiirka Dekadaha,Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha,Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale taliska qeybta booliska,waxaana kulanka inta uu socday aad looga hadlay dadka xabsiyada ku xiran iyo dembiyada loo heysto iyo sidoo kale in la kala saaro oo si deg deg dadka xiran maxkamad loo horkeeno si dembiilayaasha ay garsoor cadaalad ah u helaan  kuwii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loo siiyo.

Guddigan ayaa loo diray in ay warbixino xaqiiiqo raadin ah ka keenaan dhibaatooyinkii dadka Badan lagu laayay ee dhawaan ka  dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...