Eng.Yarisow “Dadaal aynu ku bixinnay weynaynta Maalmaha Xurriyadda”

Date:

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo abaal marin guddoonsiiyey guddiyada heer gobol ee qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda ayaa ku bogaadiyey bulshada gobolka kaalinta mugga weyn ee ay ka qaateen dabbaal degyada maalmahan Qaran.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay taariikh dheer ku leeyihiin sooyaalka xornimo-doonka dalka iyo qaban qaabada munaasabadaha taariikhiga ah ee heer qaran.

“Munaasabaddan aan idin kugu mahad celinayno oo ay nagala qeyb galayaan xubno ka tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska Afrika ee fadhigoodu yahay Hargaysa, waxa ay ka tarjumaysaa sida aynu isugu xilqaannay weynaynta maalmaha xurriyadda dalkeenna iyo muujinta in Caasimaddu ay markale diyaar u tahay kulminta dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”

Dhankiisa, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed oo munaasabadda kasoo qeyb galay ayaa ku adkeeyey Maamulka iyo bulshada Caasimadda in ay sii laba laabaan sannadka danbe qaban qaabada dabbaal degyada maalmaha xurriyadda, maadaama ay astaan u yihiin midnimada, wadajirka iyo horomarka dalka.

“Xuska sannad guurada 59-aad ee xurriyadda Soomaaliya sannadkan waxa ay ku suntanayd hilowga shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan midnimada iyo dowladnimada. 30-sano kaddib waxaa xoogeysatay xiriirka dhexdeenna ah iyo dareenkeenna waddaniyeed.

Intii ay socotay munaasabaddu waxaa sugaan wadani ah ku soo bandhigay hobollo Soomaaliyeed iyadoona abaal-marin la guddoonsiiyey xubnihii guddiyada Gobolka Banaadir ee ka qeyb qaatay xuskamaalmaha xurriyadda ee sannad guurada 59-aad.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada laba Aqal ee Baarlmaanka, Guddoomiye Kuxigeennada Maamulka Gobolka, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida iyo xubno ka mid ah urrurada bulshada rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...