Eng.Yarisow “Dadaal aynu ku bixinnay weynaynta Maalmaha Xurriyadda”

Date:

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo abaal marin guddoonsiiyey guddiyada heer gobol ee qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda ayaa ku bogaadiyey bulshada gobolka kaalinta mugga weyn ee ay ka qaateen dabbaal degyada maalmahan Qaran.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay taariikh dheer ku leeyihiin sooyaalka xornimo-doonka dalka iyo qaban qaabada munaasabadaha taariikhiga ah ee heer qaran.

“Munaasabaddan aan idin kugu mahad celinayno oo ay nagala qeyb galayaan xubno ka tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska Afrika ee fadhigoodu yahay Hargaysa, waxa ay ka tarjumaysaa sida aynu isugu xilqaannay weynaynta maalmaha xurriyadda dalkeenna iyo muujinta in Caasimaddu ay markale diyaar u tahay kulminta dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”

Dhankiisa, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed oo munaasabadda kasoo qeyb galay ayaa ku adkeeyey Maamulka iyo bulshada Caasimadda in ay sii laba laabaan sannadka danbe qaban qaabada dabbaal degyada maalmaha xurriyadda, maadaama ay astaan u yihiin midnimada, wadajirka iyo horomarka dalka.

“Xuska sannad guurada 59-aad ee xurriyadda Soomaaliya sannadkan waxa ay ku suntanayd hilowga shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan midnimada iyo dowladnimada. 30-sano kaddib waxaa xoogeysatay xiriirka dhexdeenna ah iyo dareenkeenna waddaniyeed.

Intii ay socotay munaasabaddu waxaa sugaan wadani ah ku soo bandhigay hobollo Soomaaliyeed iyadoona abaal-marin la guddoonsiiyey xubnihii guddiyada Gobolka Banaadir ee ka qeyb qaatay xuskamaalmaha xurriyadda ee sannad guurada 59-aad.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada laba Aqal ee Baarlmaanka, Guddoomiye Kuxigeennada Maamulka Gobolka, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida iyo xubno ka mid ah urrurada bulshada rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...