Kenya oo xukunkii ugu dheeraa ku ridday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Date:

Nairobi- (SNTV)-Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa xukunkii ugu muddada dheeraa ku ridday Saddex Nin oo loo haysto in ay qeyb ka ahaayeen weerarkii Argagixisanimo ee 2-dii April 2015-kii ka dhacay Jaamacadda Gaarisa.

Mohammed Abikar iyo Hassan Edin Hassan, oo kasoo jeeda Dalka Kenya ayaa lagu xukumay min 41 Sano oo Xabsi ah, halka , Rashid Charles Mberesero, oo u dhashay Tanzaaniya isna lagu riday cimri daa’in, kaas oo ah xukunkii ugu dheeraa ee ay Dowladda Kenya ku xukunto Rag loo haysto falal la xiriira Argagixisonimo.

Garsoore; Francis Andayi, oo ku dhowaaqay xukunka Saddexdan Nin, ayaa sheegay in Raggani ay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab ee uu fadhigeedu yahay Soomaaliya, Gacan saarkana la leh Ururka Al-Qaacidda.

Weerarkii 2015-kii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, ayaa waxaa ku geeriyootay 148 Qof oo u badan Arday, kaas oo ah dilkii ugu badnaa ee ay Argagixisadu ka geysato Kenya, marka laga reebo qaraxii 1998-dii ka dhacay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi, halkaas oo ay ku naf waayeen ku dhowaad 200 Qof.

Isha/ Agencies

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...