Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha oo faahfaahin ka bixiyay Saraakiil loo xiray wax is-dabamarin

Date:

Muqdisho- (SNTV)- Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; C/llaahi Xasan Bariise, ayaa sheegay in ay haatan socoto baarista dembiyo ku saabsan musuq iyo wax is daba marin lagu helay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda maaliyadda iyo Ciidankaa Booliska oo loo xiray wax isdabamarin.

Janaraal; Bariise, ayaa intaa raaciyay in barista oo iminka ka socota xarunta dembi barista ee CID-da ay meel wanaagsan marayso, natiijada kasoo baxana ay la wadaagi doonaan Maxkamadda awoodda u leh dhagaysiga kiiskaas.

Wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya uu muddo badan kusoo jiray kala dambayn la’aan, Maalinba maalinta ka dambaysana u tallaabsanayay isku tashi, isla markaana uusan aqbalayn in dhaqaalaha kasoo baxa ganasatada Guryaha iyo dakhli walba ee loogu tala galay in lagu maareeyo howlaha Dowladda in uu Qof gaar ah isaga tagri falo.

“Ma suuro galeyso mana dhici karayso, mana laga aqbali karo,Qofkii masaakiinta ahaa ee aad ogtihiin Hooyoyaashii Yaanyada ku gedaayay Suuqa iyo kuwa la midka ah ee Canshuur bixiyayaasha ah , wixii ay iyaga lahaayeen ee ay ugu tala galeen in dhaqaalahooda ay Dowladdu ku daboosho howlaheeda Qarannimadana lagu socodsiiyo, in Qof lagu aaminay inta soo qaato uu Jeebkiisa gashto, oo uu isagu ku manaafacaadsado ma yeeleyno, ayuu yiri Taliye Bariise.

Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; C/llaahi Xasan Bariise, ayaa Dadka caadeystay musuqa ugu digay in ay wax is-daba mariyaan, wuxuuna intaa raaciyay in Dalka uu kasoo kabanayo xilliyadii boobka hantida Dad weynaha, ciddii lagu helana ay mudan doonto ciqaabteeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr goor oo hore farriimo adag u dirtay Dadka caadeystay musuqa, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiin iyo Saraakiil kala duwan ku qaadday Kiisas la xiriira wax is-daba marin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...