Dhagar qabe u kala gudbin jiray hubka fudud Alshabaab oo la xukumay.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaanoย  (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruaryย  sanadkan kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud oo ay dilalka Dhagarta ah ku geystaan maleeshiyada.

 

Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Heyโ€™adaha Baarista Amniga Alshabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore,ย  Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuuย  sheegay in ay ku qanciyeen kamid ahaanshiyaha Kooxda Alshabaab.

Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada uย  kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uuย  uguย  kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafadaย  Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Maleeshiyada, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheydย  markii sedaxaad ay ย suura gashay in ayย  qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanahaย  isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwadayย  Boorsooyinka Xarragada.

Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer).

Bishii Afaraad dabayaaqadeediiย  ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay.

Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u ย horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay.

Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Maleeshiyada dilalkaย  gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday inย  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusanย  geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteedย  aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo goโ€™aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta goโ€™aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale