Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo ka qeybgalay Aaska Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Puntland oo Geeriyooday

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Baashi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Garowe ee xarunta Maamul Gobolleedka Puntland uga qeyb galay aaska Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee maamul Gobolleedkaasi.

Allaha u naxriistee Guddoomiyihii Maxakamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur ayaa maanta lagu aasay magaalada Garowe kadib markii uu dhowaan geeriyooday.

Mas’uuliyiinta Maamul Gobolleedka Puntland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeyb galay aaska Marxuumka, iyadoo mas’uuliyiintaasi Eebe uga baryeen in janadii Fardowsa uu ka waraabiyo.

Wafdiga uu hoggaaminaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo jooga Garowe waxaa ay isugu jiraan, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Garsoorayaal ka tirsan Federaalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...