Dagaalka Shiinaha iyo Mareykanka iyo Gogol Laabka G-20, Osaka, Japan. “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV) Kulanka G20 ee magaalada Osaka ayaa lagu soo gabogabeeyay sabtida manta iyadoo madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in xiriirka Shiinaha ay leeyihiin dib loo soo celinayo kadib markii isaga iyo Xi Jinping ay billaabeen sidii lagu yareyn lahaa ganacsiga ee daba dheeraaday ee u dhaxeeya dalalka soo saara dhaqaalaha tamarta.

Wakaaladda Xinhua, ayaa sheegtay hogaamiyeyaasha in ay isku raaceen xabad joojin cusub oo laga gaaro dagaalka ganacsiga ee taagan mudada sanadka ah, waxaana ay intaasi ku dartay in wadahadalada ganacsiga ee istaagay dib loo billaabo iyadoo aysan Mareykanku ka qaadi doonin tariifada dheeraadka ah oo ay ku hanjabeen in ay kusoo rogayaan walxaha ganacsiga ee ka yimaada dhinaca dalka Shiinaha.

Xabad joojinta muuqata ayaa waxa ay calaamad u tahay wadahadaladii dhex maray Trump iyo Xi, kuwaasi oo cadeeyay saaxiibtinimada ka dhaxeeysa in ay joojiyaan tallaabooyinka wixii ka dambeeya wadahadaladii ay yeesheen labada hogaamiye, islamarkaana la arko in wadahadaladu ay jebiyeen waxyaabaha lagu muransan yahay.

Aqalka cad ayaa diiday in hadal degdeg ah uu ka bixiyo laakiin Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay marsiihoreeysay sabtidii in uu ku dhawaaqi doono natiijada wadahadallada uu la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha XI Jinping kadib xilligii shirjiraa’id ay yeesheen ee maanta.

Wadahadallada oo dhacay xilligii ay ku sugnaayeen shir madaxeedka G-20 oo ka dhacay dalka Japan, ayaa kulanka hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa mid qayexan oo  soo jiidasho u leh dhinaca diblomaasiyadda madaxweyne Trump mudadii afarta maalmood ee shir madaxeedka, oo ay fursadihiisa dib u doorashadiisa ay khatargashay sabab lala xiriirinayo dagaalka ganacsiga oo dhaawac iyo dharbaax weyn uu ka soo gaaray beeraleeyda Mareykanka iyo suuqyada caalamka. Xiisadaha ayaa circa isku shareeray todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii ay wadaxaajoodyadii ay burbureen bishii lasoo dhaafay.

Iyagoo dhinac fadhiya miis dheer oo  ay hareer fadhiyaan kaalieyaal sarsare, labada hogaamiye waxa ay codkooda ku muujiyeen rajo iyo yididiilo kadib markii ay isla galeen sawirro.

Waxa aan yeelanay cilaaqaad wanaagsan,” Trump ayaa u sheegay Xi xilligii ay furayeen kulankooda,” balse waxa aan dooneynaa inaan si xushmad leh u qabano dhinaca ganacsiga.”

Xi Jinping, ayaa dhinaciisa ka sheekeeyay xilligii Miiska Diblomasiyadda.” Kaasi oo  gacan ka geeystay bilowga xiriirka ganacisga Mareykanka iyo Shiinaha labo fac kahor.

Wixii waqtigaasi ka dambeeyayna ayuu yiri, “Xaqiiqada aas aaska ah ay weli tahay mid aan waxbo iska bedelin: Shiinaha iyo Mareykanka labadaba waxa ay ka faa’iideeysanayaan iskaashiga iyagoo meesha ka saaraya wixii iska hor imaad ah.”

Iskaashiga iyo wadahahadllada waxa ay ka wanaagsan yihiin qayaaliga iska hor imaadka,” ayuu yiri Madaxweyne XI Jinping.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha ee Xi Jinping ayaa qayb ka ahaa kulamo uu Trump la qaatay hogaamiyeyaasha dunida sabtida maanta isagoo ku soo bandhigay jiheynta waxyaabaha uu dalbanayo.

Kulan degdeg ah oo uu la qaatay Madaxweynaha Turkiga, Trump waxa uu sheegay in wadahadalada uu la qaatay hogaamiyaha Shiinaha ay ahaayeen kuwa si sax ah uga wanaagsan sidii la filaayay.”

Wadahadalladu ay sii soconayaan,” sida uu sheegay.

Mareykanka ayaa ku hanjabay in tarifo dheeraad ah oo dhan $300 bilyan oo dheeraad ah uu kusoo rogayo waxyaabaha ay Shiinaha u iib geeyaan gudaha dalka Mareykanka, taasi oo $250 bilyan oo doolar uu horey u canshuuray alaabta iyo shixnadaha Shiinaha, isagoo ballaariyay canshuurta laga qaado alaab kasta oo ay Mareykanka soo geliyaan ama ay keenaan maraakiibta Shiinaha. Waxaana uu sheegay in tariifada canshuurta cusub, oo bixiyaan dadka Mareykanka oo ay allaabta Shiinaha usoo degto islamarkaana loo gudbiyo dadka macaamiisha ee iibsada, ay ka billaabanaysay 10%.  Marsihoreyysay, Maamulka Mareykanka ayaa sheegay tariifada dheeriga ah ay gaareysay 25%.

Labada dal ayaa ku hardamayay wararka uu ku andacoonayo Maamulka Trump oo sheegayay in Beijing ay xado Tiknoolajiyadda iyadoo ku qasbaysa shirkadaha shisheeyaha in ay la wareegaan sirta ganacsiga. Shiinaha ayaa dafiray in ay ku kacdo dhaqanada noocaasi ah. Mareykanka ayaa iskudayay in uu qabto kulan ay kasoo qayb galaan wadamada kale ee caalamka si looga hadlo sidii lagu xiri lahaa shirkadda Isgaarsiinta ee Chinese telecom ee loo yaqaano Huawei oo laga xero habka soo socda ee loo yaqaano 5G systems oo ay ka shaqeeynayaan Mareykanka, iyadoo Shirkadda lagu calaamaynayo in ay tahay mid halis ku ah amniga qaranka islamarkaana laga reebo in ay teknoolojiyadda ka iibsato Mareykanka.

Beijing ayaa bilowday in ay kaga aargoosato Mareykanka iyadoo ku soo rogtay tariifo dheeraad ah badeecadaha iyo walxaha ganacsiga ee uu Mareykanku u iibgeeyo dalka Shiinaha, iyadoo maalintii jimcihii ku dhaleecaysay waxa ay ugu yeertay “in aysan jirin wax lagu qanci karo” oo ku saabsan sharci ahaan marka laga eego kahor inta uu san Golaha Kongareeyska Mareykanka sheegin in ay sii dhaawaceeyso cilaaqaadkii uu horey muranka uga taagnaa ee dhinaca Ganacsiga iyo Teknoolojiyadda.

Kulanka labada dhinac ayaa bilow u ah fursadaha dib u cusbooneysiinta wadahadallo laga yeesho arimaha ay labada dal ku muransan yihiin ee ganacsiga iyo Teknoolojiyadda waxaana jirta rajo laga qabo haddii la ambaqaado wadahadalada dib loo soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Shiinaha ee aqfiifinta iyo fududeeynta badeecadaha iyo walxaha Ganacsiga oo ay is waydaarsadaan labada dowladood.

Waxaa Tarjumay Maxamednur Max’ed Abuukar Johannesburg

~$0 wraps up as China G20 wraps up as China

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...