Dhallinyarada Caabudwaaq oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre La Qaatay Kulan Su’aalo lagu waydiinayay Dhalinyarada “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan Xildhibaanno kasoo jeeda degmada Caabudwaaq iyo Wasiirro ayaa gudaha Caabudwaaq ee Gobalka Galguduud kulan kula qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaaladaasi.

Dhallinyarada oo kulanka su’aalo ku waydiinayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale u jeediyay tallooyin iyo tusaalooyin kuwajahan sida ay dhallinyaradu uga qayb qaadan karaan dadaalada horumarineed ee ka socda gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhallinyarada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen ayaa ku ammaanay dowrkooda dib-heshiisiinta iyo horumarka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada ugu bishaareeyay in dowladdu ay ku shaqaynayso aragtida muwaadiniinteeda Soomaaliyeed oo dhallinyaradu qaybta ugu wayn ka yihiin, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay is abaabulaan oo ay dhaliyaan isbedelka oo cid aan dhallinyarada ahayn lagaa sugin isbedelka uu dalka u baahanyahay.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...