Wafdigii loo Xilsaaray Baaritaanka Dadkii Dhowaan Lagu Dilay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb Oo gaaray Gaalkacyo+Sawiro

Date:

Muqdisho (SNTV) Wafdigan ka kooban labo guddi oo ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa kala hoggaaminaayay Xildhibaan Ali Axmed Jamac (Jangali) oo ka mid aha xildhibaannada Golaha Shacabka oo hogaaminaayo xubno 13 mudaneyaal baarlamaan oo uu dhowaan magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Gobolleedka Koonur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Xasan oo isna horkacayay xubnaha Gudiga oo uu dhowaan soo  magacaabay Madaxaweynaha Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed Somaaliya.

Xubnaha labada Guddi ka kooban ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlada Goboleedka Galmudug  ayaa ka hadley soo dhaweynta wafdiga, waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in Guddiyada Gaalkacyo soo gaaraan si Looga wada xaajoodo dhibaatadii 14-kii bishan ka dhacaday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ee Maamul Gobolleedka Galmudug.

Xubnaha Guddiyadan iyo mas’uuliyinta maamulka Galmudug ayaa kulamo ku leh Gaalkacyo, iyagoo ka wada arrinsanaya sidii looga wadashaqeyn lahaa xaqiiqo raadinta dhacdadii dad shacab ah lagu dilay dhawaan ee magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa-mareeb.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...