Wararkii ugu dambeeyey Maleeshiyaad Al Shabaab oo ku dagaalamay Jilib

Date:

Muqdisho(SNTV)  Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Jilib ee Gobolka Jubadda dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab weli isku hor fadhiyaan halkaasi kadib markii shalay ay ku dagaalameen degmada Jilib.

Dagaalka oo Saacado badan socday ayaa sida lagu soo waramyo waxaa ay isaga dilleen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad badan, Wararka ayaa muujinaya in tirade 21 dagaalameyaal iyo labo Horjooge lagu dilay sida qaar kamid ah dadka deegaanka laga soo xigtay.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalkani uu ka dambeeyay kaddib markii Argagixisadu ay isku qabsadeen lacag baad ah oo laga qaadayay Gawaari Rakaab iyo Xamuul isugu jiray oo taagnaa kontoroolka degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Wararka ka imaanaya Jilib ayaa sheegaya in haatan xiisad wayn oo u dhaxaysa maleeshiyaadka ka wada tirsan Argagixisada Al-Shabaab ay ka taagan tahay degmadaasi.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ayaa dhowr mar oo hore sidaan ugu dagaalamay degmada Jilib iyo deegaanno kale, iyagoo iska laayay Horjoogayaal iyo Dhagar qabayaal badan oo isugu jiray Soomaali iyo kuwa Ajaanib ah.

Bartamihii sanadkii hore ee 2018-ka ayay ahayd markii Maleeshiyaad ka kala tirsan Daacish iyo Al-Shabaab ay sidaan oo kale ugu dagaalameen Degmada Jilib, iyadoo markii danbe maleeshiyaadka qabay fikradaha takfiiriga ah ee Daacish qaarna la laayay qaarna xabsiga la dhigay.

Arrimahani oo dhan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran ee Soomajaystayaasha ah maalin iyo habeenba u taagan yihiin difaaca shacabka Soomaaliyeed, ayna u baabi’in lahaayeen Argagixisadan ka been sheegaysa Diinta Islaamka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...