Baarlamaanka Oo Ansaxiyay Hindise Sharciyeedka Guddiyada La Dagaalanka Musuq-maasuqa “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SNTV)-Kulanka guud ee Xildhibaanada Golaha BJFS Oo uu maanta shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa ugu horreeyn ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka 2-aad  ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu go’aan ku gaaray in xeer-hoosaadka lala tiigsado xildhibaankii sabab la’aan ay ku soo baxdo shaqa gudasho la’aan.

Intaasi ka dib Guddiga Cadaaladda ee Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan Hindise sharciyeedka guddiyadda la dagaalanka musuq maasuqa Oo ay wax ka bedel ku sameeyeen islamarkaana uu dib golaha ugu soo celin lahaa Golaha Aqalka Sare.

Axmed Xaaji Taaw oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay madasha ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan hindise Sharciyeedka.

Ugu dambeeyntii Xildhibaanada ayaa cod u qaaday hindise sharciyeedka si loo ansaxiyo iyadoo 149 xildhibaan ay codka HAA siiyeen hindise sharciyeedka waxaana diiday Hal xildhibaan oo keliya, Halka uu hal xildhibaan ka aamusay,

Natiijada codkii la qaaday ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...