Diyaargarowga Munaasabadaha 59-sano guuradii kasoo wareegatay markii Calan Soomaaliyeed laga taagay Soomaaliya “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SNTV)-Munaasabadani oo loogu magacdaray maalmaha ama todobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo kala ah 26-ka June oo ah maalintii ay Gobollada Waqooyi ka xoroobeen Mustacmarkii Ingiriiska iyo markii ay is-raaceen ama ay midoobeen labada gobol ee Koonfur iyo waqooyi oo ku beegan 1-da bisha Luuliyo ayaa looga dabaal degaa dalkeena Soomaaliya.

Waxaa si abaabulan oo horey loo sii qorsheeyay uga soconaya magaalada Muqdisho diyaargarowga loogu jiro dabaal degga munaasabadaha maalmaha xorriyada dalkeena Soomaaliya oo ku began 26-ka June illaa 1-da July oo ah maalmaha xorriyadda Dalkeena looga dabaal deggo sanadkasta.

Guddiga  qaran ee diyaarinta munaasabadahan ayaa ku howlan diyaarinta naqshad cusub oo wax badan ka duwan sidii horey loogu dabaal degi jiray maalmaha xorriyadda hanaankani oo loogu talo galay in shacab weynaha Soomaaliyeed uu si wadajir ah ugu dabaal dego munaasabadda todobaadka Xorriyadda oo ka billaabanayso 26-ka June oo ka billaabanaysa 12-ka saqda dhexe illaa 1-da July ama Luuliyo ee sanadkan 2019-ka.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa sida caadada ah waxaa laga dareemayaa in dabaal degga maalmaha xorriyadda iyadoo diyaargaroowga uu ka muuqdo goobaha ganacsiga ee kuyaala hareeraha waddooyinka waa weyn oo dhammaantood lagu xeray calanka quruxda badan ee Soomaaliya ee buluug xigeenka ah iyo boorar lagu muujinayo erayo ka turjumaya qiimaha maalmahan ay ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed meel kastoo gudaha iyo dibadda ay ka joogaan.

Maamulka Warbaahinta Qaranka ee Telefishinka iyo Raadiyoow Muqdisho Codka Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa si toos ah u tebin doonta munaasabadaha iyadoo sidoo kale ay jiri doonaan barnaamijyo cilmiyeeysan oo la diyaariyay oo uu telefishinku u baahin doono daawadayaasha Soomaaliyeed eek u kala sugan gudaha dalka iyo dibadiisa.

Waxaa sidoo kale dib u habeyn lagu sameeyay taalooyinka ku yaala magaalada Muqdisho ee loo dhisay muwaadiniintii dhiigooda usoo haray in dalka Soomaaliya uu helo madax banaanida uu maanta heysto, goobahaasi aad ku arkaysay ubaxyo aad u qurux badan, nalal leh nuucyo kala duwan, iyo sawirada Madaxweynaha, goobahaasi oo dib u habeyn lagu sameeyay si shacabka Soomaaliyeed ay ugu dabaal degaan maalmaha xorriyada oo ay waqtiyada munaasabadda Xorriyadda ay ugu qaataan maalmaha quruxda ee xorriyadda.

Wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga qaban qaabada Munaasabadaha, Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka, Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , Taliyaha Ciidanka Police-ka, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Saraakiil Ciidan ayaa xalay saqdii dhexe tagay Xarumaha la qorsheynayo in lagu qabto munaasabadaha xilli ay gabogabo marayaan howlaha diyaar garowga iyagoo socod kusoo maray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Basma Caamir Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir ahna Gudoomiyaha Guddiga Qaban qaabada ee maamulka Gobolka Banaadir oo telefishinka qaranka la hadashay xilli ay ku ku sugnayd taalada Daljirka Dahsoon ayaa sheegtay in howlaha qaban qaabada ay si wanaagsan u socdaan.

Gawaari lagu xeray cod baahiyaal ay ka daarnaayeen suugaan ka hadleysay wadaniyada iyo wacyigalinta bulshada ayaa wareegaya xaafadaha magaalada Muqdisho guddoomiyaha ururka haweenka Jawaahir Baarqab oo warbaahinta qaranka la hadashay ayaa sheegtay in howlo wacyigalin ah ay ka wadaan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Saacado qura ayaa naga xigta dabaaldaga munaasabada ugu soo horeysa ee ah 26-ka june maalinta ay gobollada waqooyi ka xoroobeen Gumeystihii ingiriiska.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...