Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Shir Laba Geesood Ku Qabtay Shiinaha “SAWIRRO”

Date:

Beijing (SNTV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah maanta kula yeeshay dhiggiisa China, Mudane Wang Yi , Caasimadda Beijing.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Cawad ayaa ku ammaanay kaalinta uu dalka Shiinaha ee difaaca Arrimaha Afrika iyo kuwa caalamiga ah si xal loogu helo dhibaatooyinka iyo walwalka haysa dadka qaarkood, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka.

Wasiir Cawad ayaa tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee Soomaaliya iyo Shiinaha ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga oo ay kamid yihin, dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa’ideysiga waayo-aragnimada Dowladda Shiinaha ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda  “Qorshaha Horumarinta Qaranka. “

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha Wang Yi ayaa carabka ku dhuftay sida dalkiisu uu ugu faanaayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda, ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ee dibloomasiyadda Caalamiga ah iyo midda gobolka guud ahaan.

Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala kala saxiixday heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada.

 

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku...