Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Shir Laba Geesood Ku Qabtay Shiinaha “SAWIRRO”

Date:

Beijing (SNTV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah maanta kula yeeshay dhiggiisa China, Mudane Wang Yi , Caasimadda Beijing.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Cawad ayaa ku ammaanay kaalinta uu dalka Shiinaha ee difaaca Arrimaha Afrika iyo kuwa caalamiga ah si xal loogu helo dhibaatooyinka iyo walwalka haysa dadka qaarkood, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka.

Wasiir Cawad ayaa tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee Soomaaliya iyo Shiinaha ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga oo ay kamid yihin, dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa’ideysiga waayo-aragnimada Dowladda Shiinaha ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda  “Qorshaha Horumarinta Qaranka. “

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha Wang Yi ayaa carabka ku dhuftay sida dalkiisu uu ugu faanaayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda, ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ee dibloomasiyadda Caalamiga ah iyo midda gobolka guud ahaan.

Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala kala saxiixday heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada.

 

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...