Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Galay Xaflad Qelin Jebin Ee Ardayda Jaamacadda Ummadda “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen dufcadda 20-aad ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay galay Wasiiro, Xildhibaano, Wasiir ku xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga, safiirada dalalka caalamka u fadhiya magaalo madaxda Muqdisho, Khuburo wax ka dhiga Jaamacaddaha caalamka, iyo Bahda waxbarashadda dalka.

Munaasabadu intii ay socotay mas’uuliyiinta Jaamacadda Ummadda ayaa ku soo bandhigay guulaha wax ku-oolka ah oo Jaamacaddu Ummadda Soomaaliyeed ay gaartay kaasi oo kuwajahan aragtida isbedel ahaaneed oo ku saleysan in la soo saaro arday Soomaaliyeed oo leh aqoon ku filan oo ay dalkooda wax ugu qabtaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gunaanudka munaasabada ka jeediyay khudbad dheer oo uu kula dar-daarmay Ardeyda Soomaaliyeed ee maanta nasiibka u yeeshay in ay noqdaan dufcaddii ugu horeysay ee Jaamacadda Ummadda ka qalinjabiya tan iyo bur-burkii dalka in ay qorshe iyo hadaf ay wax ugu qabtaan dalkooda iyo dadkooda, waxaana uu u sheegay in looga fadhiyo sidii ay dib uga celin lahaayeen deynta tacliineed oo ay gelisay jaamacadda maadaama ay si lacag la’aan ah dowladoodu wax u bartay.

Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo hadal qaaday guulaha la taaban karo ee dalkeenu ku talaabsaday, isagoo hoosta ka xariiqay waxyaabaha lagu guuleystay ee guulaha dhow ee u qabsoomay dowladda, iyo mustaqbalka quruxda badan ee dalkeena.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in caalamku u qiray Soomaaliya in ay gaartay guulo la taaban karo isagoo tusaale u soo qaatay Madaxa Hay’adda USAID oo dhowaan safar howleed ku yimid dalkeena Soomaaliya uu sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumaro muuqda kuwaasi oo ay kamid yihiin Dhinacyada Maamul Wanaagga, Hufnaanta, iyo dib u dhiska Hay’adaha dhaqaalaha ee dalka.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay dib u dhaca ay ku keeni karto dalkeena kala qoqobnaanta isagoo taasi bedelkeeda tusaale u soo qaatay in lagu bedelo Midnimo iyo Wadajir taasi oo uu sheegay in ay faa’iido weyn ay uleedahay dalkeena iyo dadkeena isagoona ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay Dowladooda garab istaagaan.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka mid aheyd hay’adihii dalkeena ee ku bur buray dagaaladii sokeeye ayaa dib loo howl geliyay sanadkii 2014-kii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa...

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...