Wasiir Maareeye oo shir guddoomiya kulanka guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shir guddoomiyay kulankii Labaad ee guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ku beegan 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda ayaa warbaahinta Qaranka uga war bixiyay sida loogu siyaar garoobayo xuska maalmaha xorriyadda, wuxuuna Shacabka iyo Safiirrada caalamka ka jooga Soomaaliya kula dardaarmay in ay dhankoodana u diyaar garoobaan weyneynta maalmaha xorriyadda.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha’ Khadiija Maxamed  Diiriye, taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida, xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, maamulka Gobolka Banadir iyo Abwaanno.

Shirka ayaa lagu lafa guray, sidii loo diyaarin lahaa goobaha ku habboon ee lagu qaban doono xuska iyo xafladahaha dabaaldegyada, adkeynta amniga iyo diyaarinta Suugaanta xoriyadda, in la diyaariyo goobo wacyi galineed oo dadka lagu xasuusiyo waddaniyadda iyo halgenkii loo soo maray madaxbannaanida.

26-kii June 1960-kii oo ah markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Ciiddeena, ayaa waxa ay gobollada waqooyi badax bannaanidooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, waxaana Shan Cisho ka dib 1-dii July gobanimada ka qaatay Isticmaarkii Talyaaniga gobollada Koofureed ee dalka, iyagoo isla xilligaana ku midoobay Jamhuuriayadda Soomaaliya.

Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda ee maanta yeeshay kulankoodii Labaad, ayaa waxaa 9-kii Bishan magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Kheyre, si ay u abaabulaan xuska maalmaha xorriyadda ee foodda nagu soo haya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir ayaa...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...