Xukuumadda Oo Dardar Gelinaysa Diyaarinta Sharciga Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Maareeyaha hayโ€™adda duulista rayidka Soomaaliyeed, ย Axmed Macallim Xasan iyo maareeya ku-xigeenkiisa, ย Sheekh Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay masโ€™uuliyiin ka socota hayโ€™adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) oo uu kamid yahay khabiir loo soo diray in dowladda uu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo Qorista sharciga hayโ€™adda duulista Soomaaliyeed.

Kulanka dhex maray ย hayโ€™adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hayโ€™adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hayโ€™adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista.

Hayโ€™adda caalamiga ah ee duulista Rayidka ย ayaa dowladda ka taageeraysa Diyaarinta Shuruucda.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareegayaan shaqaalaha ka shaqeeya hayโ€™adda duulista Soomaaliyeed oo markii hore hoos tegi jiray hayโ€™adda maamuli jirtay hawada Soomaaliya kahor inta aan dowladda lagu soo wareejin.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ย iyo hayโ€™adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in shaqaalaha hayโ€™adda ee laga soo wareejiyay Nairobi ย ay si dhamaytiran dowladda Soomaaliya ugu wareegaan ugu dambayn July 31, 2019.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale