Wafdi ka socda Laanta taageerada howlagaladda nabadda ee midowga Africa oo kulan la qaatay Saraakiisha AMISOM

Date:

SNTV:-Laanta taageerada howlagaladda nabadda ee midowga Africa ee (AU PSOD) ayaa uga mahadcelisay ciidmadda midowga Africa ee ku sugan Somalia geesinimada ay ku muujiyeen goobaha dagaalka iyo in ay naftooda khatar u galiyeen sidii ay xasilooni iyo nabad ugu soo dabaali lahaayeen Soomaaliya iyo qaaradaba

Wafdigan ka socday midowga Africa laantiisa taageerada nabadda ayaa waday booqasho shaqo oo ay ku qiimaynayeen howlagaladda howlgalka midowga Africa ee Somaaliya

Waxaa ay sidookale wafuudani la kulmeen madaxda AMISOM oo uu hogaaminayo, Ambassador Francisco Madeira, wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u fadhiya Soomaaliya, Sareeye guud Tigabu Yilma Wondimhunegn abaanduulaha ciidamada AMISOM iyo siihayaha xilka taliyaha booliska Rex Dundun.

Waftiga ayaa dhanka kale u socdaalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya si ay u booqdaan ciidmadda dhaawaca ah ee lagu baxnaaninayo isbitaalada kala duwan.

Wafdiga oo uu hogaaminyay sareeye Gaas Francis Okello, madaxa laanta howlgaladda iyo qorshaynta ee Laanta taageerada howlagaladda nabadda ee midowga Africa ee (AU PSOD) ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Dr. Komlan Moreira, sarkaalka qorshaynta caafimaad ee AMISOM iyo Sareeye Gaas Fidza Dludlu, madaxa taageerada howlagalka AMISOM.

Kadib markii uu lakulmay ciidanka, Sareey Gaas Okello ayaa xusay “Bukaanka waxaa ay leeyihiin dareen kacsan, daawayn ku filan Ayayna helayaan.”

Wafdiga ayaa sidoo kale ka  helay khuburada caafimaad warbixino dhamaystiran oo ku saabsan askarta dhaawaca ah.

“Midowga Africa waxaa uu smaynayaa waxkasta oo ku badbaadin karo Africa. Waxaan rabnaa inan uga mahadcelino isbitaalka daaweynta ay u samaynayaan askarteena ka qeyb qaadanaya sidii looga dhigi lahaa Soomaaliya meel nabdoon.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...