Madaxweynaha Maamulka k/Galbeed oo tacsi u diray ehelada ciidamo ku dhintay qarax gaadmo ah

Date:

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan (laftagareen) ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qarixii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee lala eegtay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed.

Madaxweynuhu waxa uu eebe uga baryay dadkii ku dhintay qaraxaasi oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso in uu Janadii Fardowa ka waraabiyo,, eheladii ay ka tageenna  samir iyo iimaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxa uu u xusay  in qaraxa uu ku geeriyooday Sarkaal lagu magacaabi jiray Falar Liibaan Nuur.

Dhanka kale Lafta gareen,waxaa uu ku baaqay in la laba jibaaro dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab,isagoo intaasi ku daray in ciidamo dheeraad ah la geyn doono degmooyinka iyo deegaanada ay joogaan ciidamada,si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan (laftagareen) ,waxa uu ugu dambeyntii ka codsaday Shacabka Koonfur Galbeed in ay kala shaqeeyaan laamaha amniga,sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka deegaanadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...